| Waraysiyada iyo Maqaalada |
| There isn't content right now for this block. |
|
| |
|
Xaaladda degmada Jilib oo degan kadib dagaalkii saaka ka qarxay
|
|
Kismaayo Saturday, May 17 @ 10:51:17 EDT
|
|
|
Xaalad deganaansho ayaa maanta ka jirto degmada Jilib ee gobolka J/dhexe, halkaasoo saaka aroortii hore ay ku dagaalameen ciidamo ka tirsan Maxkmadaha Islaamiga iyo maleeshiya beeleedyo dagaalka loogala wareegay gacan ku heynta magaaladaasi, waxaa caadi ku soo noqday xaaladda guud ee Jilib oo saakadii hore khasneyd. |
|
|
Markab gannacsi oo maanta lagu afduubay xeebaha Somalia
|
|
Muqdisho Saturday, May 17 @ 10:27:36 EDT
|
|
|
Koox burcad badeed Somali ah ayaa Markab kuwa Shixnadaha ganacsiga qaado ah oo ku soo jeeday dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho afduubay, Markabka ayaa la sheegay in uu siday alaabo kala duwan oo ay leeyihiin ganacsato reer Muqdisho, lama garan sababta ay burcad badeeda u qafaasheen Markabkaasi oo sidoo kale aan la garan karin wadanka uu ka diiwaangashan yahay maadaamaa faahfaahin badan aan laga heyn afduubkiisa. |
|
|
Shaneemooyinka Baardheere oo la xiray kadib hanjabaado la soo gaarsiiyey
|
|
Gedo Saturday, May 17 @ 10:05:19 EDT
|
|
|
Muddo 24 saac ku dhaw ayaa waxaa xiran gebi ahaanba Shaneemooyinka ku yaala degmada Baardheere ee gobolak Gedo, lagana daawado aflaanta kala duwan sida Filimada Hindiga iyo American-ka iyo noocyada kala duwan ee ciyaaradaha caalamka, xirnaashaha Shaneemooyinka ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto kadib markii hanjabaado la soo gaarsiiyey. |
|
|
Dagaal culus oo waaberigii saaka ka dhacay degmada Jilib ee G/J/dhexe
|
|
Kismaayo Saturday, May 17 @ 03:04:37 EDT
|
|
|
Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waaberigii hore ee saaka ka qarxay degmada Jilib ee gobolka J/hdexe, kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo lagu soo waramaya in gacan ku heynta magaalada uu wax iska baddelay. |
|
|
Askar Ethiopian ah oo ku dhintay kuna dhaawacmay qarax Muqdisho ka dhacay
|
|
|
|
|
Qaar kamid ah askarta ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray qarax xoog leh oo maanta lagula beegsaday Miisaanka dhuxusha, xaafadda Towfiiq ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ciidamada qaraxa kadib rasaas rideen. |
|
|
Maamulka Baardheere oo kala diray ciidamadii ammaanka ee degmadaasi
|
|
Gedo Friday, May 16 @ 09:56:10 EDT
|
|
|
Maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa kala diray ciidamadii ammaanka ee degmadaasi ka howlgalayey mudada kooban kadib markii maamulka sida uu sheegay uu awoodi waayey in uu bixiyo mushaaraadka ciidamada. |
|
|
Qarax Muqdisho ka dhacay iyo ciidamada Ethiopia dad ah rayid ah laayey
|
|
Muqdisho Thursday, May 15 @ 10:53:20 EDT
|
|
|
Qarax weyn ayaa duhurnimadii maanta magaalada Muqdisho lagula beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee Somalia oo marayey mid kamid ah wadooyinka caan ka ah ee magaaladaasi, iyadoo khasaare xoog leh uu ciidamada ka soo gaaray weerarkaas oo hakad galiyey isu socodka gaadiidka qeybihiisa kala duwan |
|
|
Guddoomiyaha gobolka Gedo oo qeybo kala duwan kula kulmay Doolow
|
|
Gedo Thursday, May 15 @ 09:45:01 EDT
|
|
|
Waftiga uu hoggaaminayo guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Farey) oo maalmahan socdaallo kala duwan ku marayey qeybo badan oo gobolka Gedo ka tirsan ayaa haatan gaaray degmada Doolow ee ku taal xadka gobolka uu la wadaago dowladda Ethiopia, halkaasoo waftiga ay kula kulmeen dhinacyo dhowr ah. |
|
|
Wareysi: C/qaadir Qalbi oo ah sargaal ka tirsan Maxkamadaha G/Gedo
|
|
Gedo Wednesday, May 14 @ 13:34:12 EDT
|
|
Maalmahan qeybo ka tirsan gobolka Gedo ee dalka Somalia waxaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday ciidamo taabacsan Maxkamadaha Islaamiga, kuwaasoo tagay degmooyin ay kamid yihiin Baardheere iyo Buurdhuubo ee g. |
|
|
Tacshiirad dhimasho iyo dhaawac dhalisay oo lagu furay goob cunto lagu qeybinaye
|
|
Muqdisho Wednesday, May 14 @ 08:59:13 EDT
|
|
|
Duhurnimadii maanta ayaa xaafadda Via-Afmadow ee magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay tacshiirad dhimasho iyo dhaawac dhalisay oo lagu furay goob raashin mucaawino ah laga qeybinayey oo ku taala xaafadaasi, iyadoo raashinkaasi ay bixineysay hay’adda WFP ee Qaramada Midoobey u qaabilsan cunnada adduunka. |
|
|
Ciidamada Ethiopia oo lagu weeraray bambaanooyinka gacanta laga tuuro
|
|
Muqdisho Wednesday, May 14 @ 08:41:16 EDT
|
|
|
Ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qaaday weeraro loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro, iyadoo weeraradasi ay ka dhasheen khasaare soo gaaray Ethiopian-ka, weerarka ayaa ku soo beegmay xilli ciidamo kale oo Ethiopian ah ay maanta raashin ka qeybiyeen mid kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. |
|
|
Dad si gooni gooni ah xalay iyo saaka loogu dilay deg. Jilib ee J/dhexe
|
|
Kismaayo Wednesday, May 14 @ 08:18:47 EDT
|
|
|
Wararka naga soo gaarayo degmada Jilib ee gobolka J/dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in falal dilal ah oo gooni gooni ah ay halkaasi ka dhaceen xalay iyo saaka, kuwaasoo loo geystay maleeshiya kuwa deegaanka aheyd, xiisad dilalkaasi ka dhlatay ayaa ka taagan gudaha magaalada Jilib, iyadoo maleeshiya arrintaasi ka carartay ay soo gaareen deegaanka Kamsuuma. |
|
|
Dabley hubeysan oo laba qof xalay Kismaayo ku dilay
|
|
Kismaayo Wednesday, May 14 @ 02:58:50 EDT
|
|
|
Nin hubeysan ayaa xalay fiidkii si bareer ah gudaha magaalada Kismaayo goob ay dadku ku badnaayeen ku dilay laba ruux oo mid kamid ah uu ahaa wiil ay walaalo ahaayeen, halka qofka kalana uu ahaa nin goobta fadhiyey oo xabado uu dableyga riday ay haleeleen. |
|
|
WFP oo cunno gargaar ah u qeybisay dadka ku jira kaamamka Kismaayo
|
|
|
|
|
Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan cuntadda adduunka ee WFP ayaa maanta gargaar raashin ah ka bixisay kaamamka ku yaala magaalada Kismaayo oo ay ku jiraan dadka gudaha dalka ku barakacay ee ku dhibaateysan Kismaayo, cunnooyinkan oo ah noocyada qalalan ayaa waxaa ka faa’iideysanayo qoysas kor u dhaafayo 250 qoys. |
|
|
Heshiis ay gaareen beelihii dhawaan ku dagaalamay degmada Luuq
|
|
Gedo Tuesday, May 13 @ 08:35:48 EDT
|
|
|
Beelihii dhawaan ku dagaalamay degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa maanta kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayo colaadihii labadaasi beel u dhexeeyey, waxaana goobta heshiiska lagu gaaray goob-joog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo. |
|
|
X. Hiiraale "Ma jirto cid aan kaga haybaysanayno maamulka Jubbaland..
|
|
|
|
 Warbaahinta Hornafrik ayaa waraysi dheer oo dhinacayo badan taabanayo la yeeshay xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale. Waraysigaas oo ku saabsan una badnaa maamul us samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayuu xildhibaanku sheegay inuusan cidna kaga haybaysanaynin maamul loo sameeyo gobolka J/hoose, dhexe iyo Gedo. |
|
|
Weerar kale duwan oo lagu qaaday C/Ethiopia oo ka kala dhacay Banaadir iyo Sh/ho
|
|
|
|
|
Weeraro loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso iyo tacshiirado ayaa maanta lagu qaaday ciidamada Ethiopia ee ku kala sugan gobolada Banaadir iyo Sh/hoose, iyadoo khasaare dhimasho oo askarta Ethiopia soo gaartay iyo baabuur laga gubay ay weeraradaasi ka dhasheen. |
|
|
Shaqaaqo ka dhacday Gosha iyo Maxkamad looga dhawaaqay Kudhaa
|
|
|
|
|
Iska hor imaad u dhexeeya laba maleeshiya beeleed ayaa xalay ka dhacay deegaanno ku yaala waqooyiga magaalada Kismaayo oo ka tirsan degmada Jamaame ee gobolka J/hoose, iska hor imaadkaasi ayaa wararka halkaasi laga helayo ay sheegayaan in u gesytay dhimashada dhowr qof, iyadoo tuulooyinka qaar laga barakacayo. |
|
|
Boqalaal qoysas ah oo nolol xumo ay ku heyso degmada Beledxaawo ee G/Gedo
|
|
Gedo Monday, May 12 @ 09:55:52 EDT
|
|
|
Xaalad nololeed oo aad u adag ayaa la soo deristay boqalaal qoysas ah oo ku dhaqan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, qoysaskan ayaa xaaladooda si ba’an looga deyrinayaa, waxaana lagu soo waramayaa in nolol xumo baahsan ay ku jiraan kadib markii sicirka ascaarta ay qaaliyowday iyo beerihii ay abuuran jireen oo aysan sanadkan wax dalag ah ka go'in. |
|
|
Rasaas ay fureen ciidamada Ethiopia oo dad rayid ah Baydhabo ku dishay
|
|
|
|
|
Ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo ayaa maanta tacshiirad ku furay bartamaha suuqa magaaladaasi, tacshiiradaas ayaa dishay dad rayid ahaa oo ka agdhawaa halka ay ciidamadu rasaaseeyeen, waxaana jira maalmahan danbe cabsi weyn oo la soo gudboonaatay ciidamada Ethiopia ee Baydhabo jooga. |
|
| |
| Don't have an account yet? You can create one. As a registered user you have some advantages like theme manager, comments configuration and post comments with your name. |
|
|