| Waraysiyada iyo Maqaalada |
| There isn't content right now for this block. |
|
| |
|
Dagaal duhurnimadii maanta ka dhacay jaziiradda Kudhaa ee J/hoose
|
|
Kismaayo Wednesday, July 23 @ 10:43:40 EDT
|
|
|
Dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa duhurnimadii maanta ka qarxay jaziiradda Kudhaa oo kamid ah jaziiradaha koonfureed, gobolka Jubbada hoose ee Somalia, dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ay isa soo tareysa faahfaahinta dagaalka. |
|
|
Markab laga leeyahay Japan oo lagu afduubtay xeebaha Somalia
|
|
Ohio Wednesday, July 23 @ 10:26:40 EDT
|
|
|
Markab laga leeyahay dalka Japan ayaa burcad badeed Somali ah ku haystaan x xeebaha Soomaaliya, Markabkaasi ayaa lagu soo waramayaa in lagu magacaabo Stella Maris waxaana saaran 20 badmaax oo u dhashay wadanka Philippine, iyadoo ay shaqaalaha saran Markab cabsi la soo deristay oo la xiriirto halka xaaladoodu ay ku danbeyn doonto. |
|
|
Hoggaanka dhaqanka Beledweyne oo jawaab adag ka bixiyey warqado loogu digay
|
|
|
|
|
Odoyaasha dhaqanka Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa kulan maanta ka yeeshay waraaqo digniino ah oo iyaga khuseeya, kuwaas oo loogu sheegay in ay isaga haraan kulamada ay la yeeshaan Ciidamada Ethiopia ee saldhiga ku leh deegaanka Jande Kundishe, haddii kale tallaabo laga qaadi doona. |
|
|
Maamulka degmada Beledxaawo oo ka hadlay ammaan darro ka jirta degmadaasi
|
|
Gedo Wednesday, July 23 @ 09:52:56 EDT
|
|
|
Maamulka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa soo saaray war uu kaga hadlayo falal ammaan darro oo baryihii u danbeeyey ku soo kordhyey degnada Beledxaawo,kuwaasoo ay geysanayaan kooxa hubeysan iyadoo dadweynaha degmada ay ka qeyliyeen ammaan xumada. |
|
|
Hambalyo Dhalasho ku socota Wariye Yaxye C/risaak Soofe
|
|
Kismaayo Tuesday, July 22 @ 13:29:25 EDT
|
|
Anagoo ah wariyayaasha hoos magacayadooda hoos ku qoran yihiin waxaan hambalyo dhalasho u diraynaa wariye yaxye C/risaaq Soofe iyo Canab xuseen C. Yarow oo wiil ugu dhashay magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose |
|
|
TUBTA TOOSAN WAA ISKU-TASHO DADOOW by A/rasak X/Farax
|
|
opinion Tuesday, July 22 @ 13:19:31 EDT
|
|
 Guud ahaan Gayiga Soomaaliya waxaa ka jira dhibaatooyin lixaad leh, haba u darnaato nabadgelyo la'aan iyo dhaqan/dhaqaale xumo, Waxaa kaloo jira dhibaatooyin Abaaro iyo sicir barar iyo darxumo/macaluul si baaxad leh u haysata dhalaanka iyo hooyooyinka Ummadda soomaaliyeed.(Alle ha u fududeeyo Ummadda Soomaaliyeed, Aamiin ). |
|
|
Falal isugu jira dil iyo afduub oo maanta ka dhacay degmada Dharkeynley
|
|
Muqdisho Tuesday, July 22 @ 10:20:12 EDT
|
|
|
Koox hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan ayaa falal isugu jira dil iyo afduub maanta ka geystay degmada Dharkeynley, gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyadooo dadka deegaanka ay ka naxeen falalkan oo ahaa kuwa is xigxigay oo ujeedkooda aan la garan ilaa iyo haatan. |
|
|
Maamulka gobolka Gedo oo hay'adaha samafalka baaq u jeediyey
|
|
Gedo Tuesday, July 22 @ 10:01:49 EDT
|
|
Maamulka gobolka Gedo ayaa hay'adaha samafalka ee caalamiga iyo kuwa maxaliga ahba u soo jeediyey baaq uu kaga codsaneyo in ay wax u qabtaan dadka ku dhibaateysan qeybo ka tirsan gobolka Gedo oo ay la soo deristay xaalad adag oo xagga nolosha ah xilli wali degmooyinka qaar ay ku qulqulayaan dadka ka soo barakacayo rabshadaha Muqdisho ka taagan. |
|
|
FAALLO: Qab-qablayaal baa soomaali qaribay! by Daahir Faarax Afdheere
|
|
opinion Monday, July 21 @ 14:00:39 EDT
|
|
|
Soomaalidu waxay waligeed lahayd Madax-dhaqameedyo soo jireen ah oo la maamuuso sida:- Ugaas, Suldaan, Boqor , Garaad, Islaan, Beeldaajiye, Malaaq, Isloow, Iwm. Waxaana ay bulshada ku kala hagi jireen Waqtiyo aad u fogfog, Xeerar dhaqameedyo laga dambeeyo oo ay ku xaliyaan khilaafaadkooda. |
|
|
Hoy uu leeyahay mudane katirsan baarlamaanka KMG ah oo Baydhabo lagu weeraray
|
|
|
|
|
Kooxo debley ah oo aan la garaneynin ayaa xalay weeraray guriga uu magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ka degan yahay Xildhibaan Ibraahim C/nuur oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Dowladda KMG ah ee Somalia, iyadoo weerarkaas laga dareemay guud ahaan magaalada. |
|
|
Mid kamid ah beelaha ku dagaalamayo galbeedka Kismaayo oo ergo direyso
|
|
|
|
|
Iyadoo ay sii xoogeysanayaan xiisadaha iyo rabshadaha ka taagan deegaanada galbeedka magaalada Kismaayo ku yaalla oo toddobaadkii labaad ay ku dagaalamayaan laba maleeshiya beeleed oo isku deegaanka ah ayaa odayaasha dhaqanka mid kamid ah beelaha halkaasi isku hayo waxay maanta Kismaayo ka shaaciyeen in dhankooda ay ergo nabadeed u dirayaan goobaha dirirtu ay ka socota si ciidamada loo kala qaado, nabadna loo gaaro. |
|
|
Ammaanka wadada u dhexeysa Kismaayo iyo Baardheere oo ka soo reynayo
|
|
Gedo Monday, July 21 @ 09:54:15 EDT
|
|
|
Ammaanka wadada isku xirta magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose iyo degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa soo wanaagsanaaday kadib markii la qaaday Isbaarooyin fara badan oo lacago baad ah oo xad dhaaf ah looga qaadi jiray gaadiidka safarka ah, mararka qaarna ay dhici jireen falal rasaaseyn ah oo khasaarooyin ay ka dhashaan. |
|
|
Ku dhawaad 10 qof oo ku geeriyootay dagaallo Muqdisho ka dhacay
|
|
|
|
Dagaal culus oo galinkii danbe ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac tiro badan oo ay ku jireen dad rayid ah iyo askarta Ethiopia oo weeraro hubeysan ay ku eekeeyaan kooxaha ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Somalia. |
|
|
Xiisado iyo saansaan colaadeed oo ka taagan tuulooyinka Buriye iyo Baqdaad
|
|
|
|
|
Xiisado colaadeed oo aad u kacsan ayaa laga dareemayaa deegaanada Buriye iyo Baqdaad oo galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkan Jubbada hoose, iyadoo xiisadahaasi ay u dhexeeyaan maleeshiya beeleedyadii halkaasi ku dagaalamay dabayaaqadii toddobaadkii hore. |
|
|
Tacsi: Marxuum Sh C/qaadir Sh C/laahi Cali oo xalay Nairobi ku geeriyoday
|
|
gedo Saturday, July 19 @ 10:13:25 EDT
|
|
Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun!! waxaa xalay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ku geeiyooday allaha u naxariistee Marxuum Sh C/qaadir Sh C/laahi Cali oo ka mid ahaa cuqaasha iyo culumaa'udiinka waawayn ee dalka Soomaaliya. waxaanu marxuumka alle uga baryaynaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo eheladii, xaaskii iyo awlaadii ka baxayna uu alle samir iyo iimaan ka siiyo!!! Fadlan u tacsiyee!!!!
Fadlan Saxiix Bogga Tacsida
|
|
|
Hay’adda Horn Relief oo ku dhawaaqday in ay xirtay xafiikeedii Kismaayo
|
|
Kismaayo Saturday, July 19 @ 09:08:47 EDT
|
|
|
Hay’adda Horn Relief oo kamid ah hay’adaha samafalka ee ka howlgala dalka Somalia ayaa war murtiyeed ay ka soo saartay magaaladan Nairobi ee dalka Kenya waxaa ay ku sheegtay in si rasmi ah ay xirtay xafiiskii ay ku laheyd magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose iyo mashaariicdii ay halkaasi ka fulin jiray kadib markii la dilay madaxii hay’adda Horn Relief ee Kismaayo. |
|
|
QM oo ka digtay cunno yari soo food saari karto Somalia iyo shuruud ay galisay
|
|
Muqdisho Saturday, July 19 @ 08:48:33 EDT
|
|
|
Barnaaminka Qaramada Midoobey u qaabilsan cuntada adduunka ee WFP ayaa waxaa ay sheegeeysaa in weerarada lagu hayo maraakiibteeda gargaarka u sida dalka Soomaaliya dadka ku dhibaateeyasan oo waliba ay u sii dheer tahay dhibaatooyinka oo la degay ay keeni karto macluul la degta dadkaasi iyo gaajo ka baahsan mida hadda lagu jira. |
|
|
Baaqyo loo jeedinayo dhinacyada ku hardamayo deegaanada Kismaayo u dhaw
|
|
Kismaayo Saturday, July 19 @ 08:37:05 EDT
|
|
|
Xlli wali ay taagan yihiin xiisadihii ka dhashay dagaallo ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalana ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay deegaanno ku yaal xagga galbeed ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa loo jeedinayaa labada beelood ee halkaasi isku hayo baaqyo nabadeed oo looga codsanayo in ay xabadda joojiyaan, islamarkaana wax kasta oo jira ay wadahadal ku dhameeyaan. |
|
|
Faahfaahin ku saabsan dagaallo ka dhacay galbeedka magaalada Kismaayo
|
|
Kismaayo Saturday, July 19 @ 08:25:03 EDT
|
|
|
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dagaallo culus oo saddexdii cisho ee u danbeysay ka dhacayey deegaanno galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, dagaalada ayaa lagu soo waramayaa in dhimasho iyo dhaawac fara badan ay geysteen, iyadoo odayaasha dhaqanka beelaha halkaasi ku dagaalamayo ay maanta ka hadleen. |
|
|
Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Muqdisho saaka ka dhacay
|
|
Muqdisho Thursday, July 17 @ 10:36:34 EDT
|
|
|
Khasaaraha ka dhashay dagaal saaka magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Somalia ayaa isa soo tarayo, iyadoo madaafiic la tuuray ay waxyeeleysay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. |
|
| |
| Don't have an account yet? You can create one. As a registered user you have some advantages like theme manager, comments configuration and post comments with your name. |
|
|