HADAAN GAARIN KULA JARIN ILEEYN NOOLASHU GUUL MA LEH Waxaa qoray Ayaale Hiirad
Haweenku waa udub dhexaadka nolosha. Waana lafdhabarta jiritaanka iyo waaridda bini-aadmiga. Macnaha dahsoon ee ragga loogu lammaaneeyey, ka sokow in la tarmo, waa in ay noloshu dhadhan yeelato. Haweenku waa warshad wax soo saar . Waxay ababisaa hooyadii iyo aabbihii berrito. Siduu wax soo saarku ugu kala duwan yahay tayada iyo tiradaba, ayuun bay haweenkuna kala siman yihiin. Haweenku waa baadi sooca bulsho ku dhaadato. Hagaagiddoodu waa bulsho horumarkeeda. Hallawgooduna waa heermid bulsho idil. Taasaana keenaysa in dumarku saamayn ku yeeshaan doc kasta oo nolosha ah.
Dhanka kale, haweenku waxay door lama ilaawaan ah ka ciyaaraan abaabinta, kool-koolinta iyo tusmaynta ubadka. Waxay jaro-baraan ubadkooda sidii ay u noqon lahaayeen kuwo himilo dheer, oo hilinka toosan qaada, hantaana mustaqbalka sugaya. Dumarku waa garabka ninka, siduu isaguba u yahay gaashaankooda. Waxay hareeraha la qabataa hawlaha adduunyadda, lanna handaafisaa si hagaagsan ilaa inta u hadhsan. Xisaab ahaan, dumarku waxay saamigal qumman la yihiin ragga. Inta ka dhiman raggana ,iyagaa dheellitira. Doorkoogaasi toolmoon, ee taabanayaa dhinac walba oo nolosha ah, ayaa ka dhigay kuwo halhays laga dhigto si qof iyo kooxba, midba sidii uu doonayo ugu muraadsado qunsado.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo intaa kor ku xusan laba Cali isma waydiinayso, ayaa haweenka laga dhigtaa abaara laga duulo, oo si fool xun loogu tagri falo, iyadoo looga gol leeyahay in bini aadminnimadda dhabarka laga jebiyo, noloshana lagu macno tiro. Hore iyo dambeetaba, inta dadka qaar dunida horumarkeeda hindiwaasayeen, ayey in kalena hoos u dhicideeda hadafkoogu ahaa. In kasta oo ayna tani la yaab lahayn, la oran karana waa mid ku lammaan wacdaraha waayaha sanku neefluhu leeyahay, ayaa waxa hadanna xusid mudan inta afkaarta qarriban, ee wadda qalloocansan dabada ka riixaysaa ee dumarka marin habaabinaysa. Dawga toosanna ka duwaya.
“Dheddigaynta” amma afka qalaad sida loo yaqaan “Feminism” ayaa kuwaasi aynu kor ku sheegnay ka mid ah. Waa falsafadaha dunida ugubka ku ah, asal ahaana ahayd sinnaan iyo garsoor sugan oo loo sameeyo dumarka iyo ragga, hadday noqoto arrimaha siyaasadda, kuwa bulsheed, aqooneed iyo dhaqaalaba. Fikraddani oo haddii sideeda loo maali lahaa, noqon lahayd mid kobaca iyo korniinka , hab-dhaqanka noolaha garaadka leh dani ugu jiri lahayd, ayaa lagu faro xumeeyey adduunka guudkiisa. Waa la hadoodilay, si kalena laynoogu fasiray, wax kastoo xun oo rag iyo dumar goradda layskugu gelin karayeyna loogu xineeyey. Si ba’an ayey saamaynteedu inoo soo gaartay , kuna sigan nahay haddeer burbur lixaad leh oo mar labaad ina qiimo tiray, haddii aan loo dhag taagin waxa u qarsoon. Bal in yar u fiirso, siday guryaheenna uga heesayso, dhaantadana ugu ciyaarayso? Qoys burbura ayuun baana qaran qalloocda keena. Arrintani in ay dunida waasho ku dhaw ayaa in la daraasadeeyaa muhiim tahay, si bal dadkani dabadda u luxaya uga digno khatarteeda iyo mustaqabalka umadda meeshay ina gayn karto.
Yaa ku gaasiray, gabadhyahay?
Waa weydiin kal sugan, sidoo kalena jawaab u qalanta leh. Ka hor soo ifbixii Islaamka, markaad taariikhda dhankan iyo dhinacaasba u jeedaalisid, waxaa ku soo hormaraya ilbaxnimooyin guun ah, oo goortii ay lahaayeen laastay. Uma dan lihin, siday u dhasheen iyo dhimashadoodii midna, bal se waxaa aynu wax ka bilaadhsanaynaa hab-nololeedkoodii guud, gaar ahaan dumarka siday ula dhaqmi jireen. Xaddaaradii Baabiloon, tusaale ahaan, haddii nin gabadh dilo, halkii isaga in laga gooyo ay ahayd, ooridiisaa birta laga asli jiray si loogu aaro midda la dilay. Sidoo kale, tii Giriigu waxay dumarka u haysteen in aanay bini aadmiba ahayn, loona adeegsan karo sidii kolba laga doono. Ka ganacsiga haweenayda jidhkeeduna waxay ahayd mid laga wada raalli ahaa dhamaan qaybaha bulshadu. Roomaanku iyagu waabay ka sii xag jireenoo, ninku naagtiisa xaq buu u lahaa goortuu doono in mindida mariyo, ha ahaato marka ay qurux beesho, gabaw la darso iyo haddii kaleba. Carabtii horena dumarka waxay gaarsiiyeen, heerkii ugu xumaa ee nolosha, iyagoo dumarka xabaal ololin jiray. Adoon siday doonaan ugu danaystaana u ahayd.
Kaba soo gudub kuwaas, waxaa lagu doodi karaa dunidu waa giraan wareegaysee, maxaad maanta shalay uga door biday? Sida hore loo yidhi, taariikhdu way isa soo celisaa. Dhib iyo dheefteedana dib baa loo dhaadaa. Ammintu tii shalay way ka duwan tahay si kastaba, waxaase is weydiin mudan, tolow dunidani tanaaday, ee tiknoolajiyadu casriga ah hadlayso, maxaa qiimihii dadku lahaa heeray? Dabcan, Reer Galbeedkani ina hor yaacaya, ee indho la’aanta ay dad badani ka daba ambadeen, iyaga laftoodu bal maxay kuwaasi kor aynu ku soo sheegnay kaga duwan yihiin? Hadaanay kuwaasi kaba liidan, waa la siman yihiin. Waxay ku doodaan dumarkaanu xoraynaynaa. “Baraarugii Dumarka” ayey halheys ka dhigtaan. ‘Xoraynta’ ay hadal hayaan maaha wax sii dhafsiisan, liidida gabadha dabcigeeda, ka xayuubinta xurmadeeda dumarnimo, iyo u adeegsiga sidii aalad lagu raaxaysto. Waxaan shaki ku jirin in gabadha reer Galbeed la gaadhsiiyey heer ay iyadu ummado dhan mindida daabkeeda u qaban karto, taasoo ay u soo mareen halgan dheer oo qadhaadhaa, in ka badan 200 sannona socday. Haba yeeleen sidaase, sow dharaarta kama cadda in noloshii qoyskeeda lumisay, xasilloonidii ka dheelmatay, sharafteediina sida dharka uga siibantay, furniinkii faraha ka baxay, dhalmadii yaraatay, dambiyadii carruurta soo koraysayna libinlaabmeen? Ma madax aan noqdo, ayey gabadhaasi bulsho idil hoosta xadhkaha ugu goynaysaa, si ay u qarqoomaan? Haa haddii ay tahay, haba sameeyeen, la arki doonee waxay ku dambeeyaan’ e.
Haddaba, Islaamku wuxuu horseeday kacaankii abid “Dunida Ilbaxday” soo mara. Wuxuu daaha ka rogay xuquuqdii aasnayd ee dumarka. Wuxuu Islaamku dumarka ka dhigay marwooyin lagu majeerto xurmada iyo xishoodka. Wuxuu saaray heenso qurux badan oo meesha ka saaray dumarkii hoosta loo eegi jiray, lana addoonsan jiray. Hooyada ayaa aabaha laga fadilay. Ma soo koobi karo qiimaha iyo qaayaha uu Islaamku dumarka gaadhsiiyey. Ka dheeho taariikhdaynu lahayn, haddaynu muslim nahay. Sow cibro iyo shay wax lagu qaato ma ah? Islaamku wuxuu dumarka gaarsiiyey maqaan sare oo sugan. ‘Haddii jannada hooyada gondaheeda laga helayo’. Ma meel dheer bay jirtaaba? Walaahi mayee, innagaa is gabnay. Waa taas diinteenna suubaniye, iyagu ha keeneen maqaan kaasi ka sareeya, haddii ay jinni iyo insiba madal isugu keenaan? Xaasha! Ha ka yaabin. Walaal wixii qaladaad ah waad iga soo si xikartaa walaal adigoo mahadsantahay Email address keyga xoos ayuu ku qoryahay walaal
Ayaanle Cali Hiirad Suudan ___Khartoum ayaaanle@msn.com
Copyright © by Gedoweb Online All Right Reserved. Published on: 2009-03-24 (1540 reads) [ Go Back ] |