Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose waxaa manta lagu qabtay xaflad lagu dooranayey Ugaas cusub oo ay yeelaneysa beesha Gari Koombe oo kamid ah beeelaha gobolada Jubbooyinka dega, xafladaas oo ka dhacday hotel Barwaaqo ee Kismaayo ayaa waxaa ka qeybgalay dad u badnaa odayaal dhaqameed iyo dumar, iyadoo ay aheyd mid si heer sare loo soo agaasimay.
Ugu horeyn waxaa xafladaasi ka hadlay C/raxmaan Xaaji Axmed Waldiire oo kamid ah siyaasiyiinta gobolka, kaasoo ugu horeyntii ka waramay ujeedada munaasabadan laga leeyahay in ay tahay mid ay beesha Gari Koombe ku caleema saaraneysa in uu ugaaskeeda cusub noqda Ugaas Sheekh C/qaasir Sheekh Muxumed Bille oo noqana hoggaamiye dhaqameedkii ugu horeeyey ee qabta hoggaanka beeshaasi muddooyinkan danbe, Waldiire ayaa ku dheeraaday taariikhda ugaaska cusub oo ku sheegay in uu yahay nin reer Waamo ah, lana yaqaan.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka beelaha, kuwaasoo xafladda lagu cumaamaday ugaaska beesha Gari Koombe ka hor ballan qaaday in ay la shaqeyn doonaan kaaba qabiilkan, islamarkaana ay ku garab istaagi doonaan sidii uu u fushan lahaa howlihiisa shaqo, waxayna kula dardaarmeen in howshiisa dhaqan si daacad ah u guto.
Ugu danbeyntii ayaa waxaa Ugaas Sheekh C/qaadir Sheekh Muxumed Bille caano shuban Suldaan Axmed Shaah Madare, waxaana hadal kooban oo ugaaska uu soo jeediyey uu ku tibaaxay mahadnoq kadib in uu beelaha Soomaaliyeed dib u heshiisiin iyo nabad kula dhaqmi doonta beeshiisa.
Dadka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka ayaa sida dhaqanka Somaliga waxaa ay leeyihiin Salaadiin, Ugaasyo, Nabadoono iyo Isima, inkasta oo ay kala duwan yihiin qabiil kasta hoggaanka dhaqanka ee uu caleema saarta, waayadan danbana waxaa so kordhayey beelaha yeelanaya Ugaasyada.
 Ugaaska la caleemo saaray oo caano lagu shubayo |
 Ugaas Sh C/qaadir Sheekh Muxumed |
 Ka soo qaybgalayaasha xafladda caleemo saarka Ugaaska |
Waldiire oo ka hadlaya taarikhda ugaaska |
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.