Dhaqankii raacatada S/liyeed ee aan wali giddigeen wada xanbaarsanahay
Waxay laheyd habab guud oo ay nolosheeda ku maareyn jirtay. Haddii degmo degto meel waxaa loo sameyn jiray sarsar adag si aan dugaaggu ugu soo dhicin oo uusan waxyeello u geysan dadka iyo duunyada degmada. Haddii loo heenseeyo guluf, muran kama imaan jirin abbaanduulaha, waayo horaa loo kala ogaa geesiga xeelado aqoonka ah iyo gaaciyaha aan nabar saas ah geysan jirin.
Haddii shir la aguugo oo la rabo in talo waxtar ah la gorfeeyo, waxaa gunaanadka arrinta loo sooci jiray guddi xeerbeegti ah oo waxgarada. Looma oggalaan jirin maangaabka garashada ka liita inuu ka dhex gala’la’leeyo
Golaha shirka. Sidaasay u ahaayeen hababkii raactadu kuwo dhawrsan oo laga ilaaliye murrugmaarrugta gibbaanka aan meelna ku toosi Karin.
Waxaa yaab leh manta oo dhaqankii daaqsatadu wali ka sii dhex jiro bulshada S/liyeed, maanta oo ay bulshadu yeelatay aqoon dheeri ah oo maaddi iyo macnawi ah, inaysan laheyn kartidii ay hababkeeda waxtarka leh ku difaaci laheyd. Waxaan aragnay bulsho dhextaal ummadaha ugu horumarsan dunida oo inta shir wanaagsan goodday aan shirkeedu laheyn inyar oo difaaca. Waxaan aragnay iyadoo kuweeda waalani ay ka dhex qaylinaayaan, kuweeda baas-abuurka ahi ka dhex gooddinayaan, balse ay ka dhex khudbeynayaan oo dhegaha loo wada raaricinaayo. Waxaan aragnay iyadoo qaswadaheedu uu kala tuuraayo guddoonkii shirka oo haddana inta loo nuglaaday loo afgambiyey majarihii shirkoo dhan.
Waxaan aragnay iyadoo macallinkii jaamacadda iyo midaan waxba xarriiqin meel la soo wada taagay oo la leeyahay arrimaha ka wada taliya.
Waxaan aragnay iyadoo dhaqanyahankii, waayo-araggii iyo aqoonyahankii oo gabran la leeyahay gabar yar, wiil yar iyo oday gaabis ah soo dhiraandhiriya arrin murugtay, siday la ahaatayna laga dhigay meelmar. Waxaan aragnay iyadoo la xulay koox loogu talagalay soo-helidda barnaamij horumarineed iyo qaabeynta xeyndaab maamuleed ee ummad dhan, oo haddana aan loo meel deyin garshadooda arrimahaas.
Waxay aheyd bulsho kastoo taal meel in ay arrimaheeda ku qotomiso sida ugu habboon tixgelisana waaga la joogo, mar kastana xubnaha ay u xusho agaasinkeeda ay ku foodiso kartidooda, aqoontooda iyo hal-adeyggooda.
Waxay aheyd inay difaac ka yeelato lablabaha iyo kali-doonka, kala soocdana danta guud iyo danta gaar ahaaneed, kuna dhiirrato hor-istaagga kan aan u adeegeyn maslaxada caamka ah.
Waxaan ugu heesi lahaa dhibwadayaasha dantooda gaarka ah ku dhex walaaqaya danaha bulshada:
Raamaale huluqsane
Ma adigaa hoggaansha
Gobannimada hanan kara
Hawadeeda gali kara
Heeladdeeda mari kara
Higsigeenna garan kara
Hawlahaagii deyn kara
Hadba meela aadkii
Iyo hunguriyo doonkii
Habachabac u socodkii
Hebello raadintood iyo
Hadal beena sheeggiis
Raamaale huluqsane
Ma adigaa hanuunsha
Talo noo habeyn kara
Danaheenna hagi kara
Dawadeenna heli kara
Nolol noo horkaci kara
Adigaaba huriyoo
Holcin jiray colaaddee
Goormaad hagaagtoo
Ka hayaantay xumihii
Raamaale huluqsane
Heetheetihiiyow
Halakeeyihow
Hoos hoos u sheegow
Ha ahaado samahuye
Ha ahaato nabadduye
Horumood aan raacnee
Ha hitiqiyo gaankuye
ha hagaajo doorkiye
hillinkeeda muuqdiyo
ha hillaaco laacuye
ka haroo ha dabagelin
ka haroo ha dabagelin
Cabdi Jaamac Aw-Aden
Abdiaden1957@yahoo.com
Akhri qoraalo kale
riix