Sidoo kale waxay ahayd maalin si aad ah ay mashquul u ahaayeen dadwaynaha Minneapolis, sababtoo ah waxaa kaloo iyagana ku sugnaa magaalada Minneapolis wafdi kale oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha Qurbajoogta Beesha Sade Mudane C/nuur Sh C/salaan iyo Gudoomiye ku xigeenadiisa Mudane Cumar Sh Maxamud Sh (CUmar yare) iyo Mudane Ahmed Carabeey.
Gudoomiyaha SDSI oo isagu ka yimid magaalada Toronto iyo Gudomiye ku xigeenadiisa oo ka yimid Columbus iyo Kansas City.
Xafladihii is dabajoogga ahaa :

Xafladaas oo ay soo qabanqaabiyeen Dhalinyarada, Haweenka, Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Sade ee gobolka Minnesota, waxaa uu furmay 3pm galabnimo ee maalintii Axadda ahayd. Waxaa xafladaas aayado quraan ah iyo wacyi isugu jira ku furay Sh Ismaaciil Biixi, ka dibna waxaa Micre-foonka la wareegay xiriiriyihii barnaamijka Fartuun, Waxaana ay ku soo dhawaysay haween qiiraysan oo halkaas ka qaaday geerraaro iyo buraan burro isugu jiro Guubaabo iyo Duco.
Ka dibna waxaa hadalkii qaatay Odayada iyo waxgaradka ka kala yimid degmooyinka ku xeeran magaalada Minneapolis (Maxamud Khaliif Shire, Mursal Lugeey, Cabdiqani Cali Maad, Badeey iyo waxgarad kale oo halkaas ka soo jeediyey erayo qiimo badan oo inta badan ay ku salaysnaayeen guubaabo iyo warbixino wax ku ool ah.)
Waxaa ka dibna hadalkii qaatay u qaybsanaha Ururka Qurbajoogta Beesha Sade ee SDSI ee gobolka Minnesota Mudane Ibraahim Cabdi Galayax, isagoo soo dhaweeyey gudoomiye ku xigeenka ururka SDSI Mudane Cumar Yare iyo Ahmed Daahir maxamed (Carabeey) oo iyaguna khudbo qiimo iyo qiira badnaa halkaas ka jeediyey.
Gudoomiye Cabdinuu Sh C/salaan oo dad badani ay u xiiso qabeen aragtidiisa ayaa isagana halkaas warbixin dheer oo ku saabsan dhismaha ururka SDSI iyo ujeedooyinkii loo sameeyey halkaas ka jeediyey, sacab bandanna waa uu u dhacay. In badan oo ka shaki qabtay dhismaha hadafka iyo uj eedada laga lahaa ururkaan SDSI waxaa ay si aad ah ugu qanceen warbixintaas, waxayna balan qaadeen in inkastoo markii hore khalad iyo malo been ah laga dhaadhiciyey, balse ay hadda si aad ah ugu faraxsan yihiin dhismaha ururkaas loo abuuray horumarinta iyo nabadaynta beesha Sade.
Guddomiye Cabdinuur waxaa uu halkaas ku soo dhaweeyey ra’iisul wasaare ku xigeenka DFKMG ah,isla markaasna ah wasiirka Tamarta iyo shidaalka DFKMG ah Mudane C/waaxid Cilmi Goonjeex.
Mudane Goonjeex waxaa uu warbixin dheer ka bixiyey gobolada ay beeshu degto waxa ka jira, waxa khaldan iyo sida ugu haboon ee lagu sixi karo siday isaga la tahay, barnaamijka dheer iyo kan dhaw ee dawladda uu wasiirka ka yahay, dhibaatooyinka daba dheeraaday ee uu wadanku ku sugan yahay iyo arrimo badan oo kale
Qaybtii labaad ee xafladda iyo casho sharafkii loogu talagalay soo dhawaynta wasiirka.
Xafladda cashada oo bilaabatay 9pm waxaa ay ahayd mid lagu martiqaaday shacabka Soomaliyeed ee magaalada Minneapolis. Waxaana halkaas ka hadlay madax badan oo ay ka mid ahaayeen, General Qaadi, guddomiyaha communitiga Soomaaliyeed maxamed Mukhtaar, Xildhibaan Soomaliyeed oo degan magaalada Minneapolis. Gudoomiyaha Ururka SDSI C/nuur Sh C/salaam , waxaana xafladdii cashada soo gabagabeeyey Wasiirka Tamarta iyo Shidaalka C/waaxid Goonjeex. Runtii hadaladii ay halkaas ka jeediyeen C/nuur Sh C/salaam iyo Mudane Goonjeex waxay noqotay mid taariikhi ah oo ay dadweynihii Soomaaliyeed qireen inaysan wali arag rag warbixintaas oo kale siiyey, isla markaasna sidaas wargal u ah.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo marna erayo kaftan ah marna warbixin dhab ah siianyey dadwaynaha halkaas yimid, si aad ah ayey ula fajaceen.
Qaybtii ugu dambaysay ee xafladdam 10-19-2009
Mudane Goonjeex waxaa uu si gooni gooni ah ula kulmay qabaa’ilada Soomaliyeed ee degan Minnesota , kulankaasna waxaa uu ka dhacayey hoteelka uu deganaa wasiirka iyo wafdigiisa ee Hilton Towers Minneapolis. Waxaa habeenkii wasiirka iyo wafdigiisa casho sharaf u sameeyey, gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir mudane Cadde Gaabow.
The Video coming soon!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!