Hooyo Cadar Maxamed Yuusuf ayaa maantey saxaafada usoo bandhigtey sawirada wiil ay dhashey oo mudo 4 sano iyo bar ay la eed loo soo sheegay in wiilkeda ku xiran yahay xabsiga guantanamo bay hooyo cadar maxamed yuusuf waxaay inoo sheegtay in wiilkeed la Qafaashey sanadkii 2004 waxaayna sheegtey in wiilkeda lagu magacaabi jirey Sheekh Guuled Xasan Duraan waxaayna noogu war danbeysay sanadkii 2004 bishii feb, waxaan meel u dhow isgooska hool wadaag ka kaxeestey maleeshiyaad kii Hogamiye koxeedyadii xiligaas ku sugnaa magaalada muqdisho waxaan wiilkeyga laga dhoofiyay mid kamid ah goroomada diyaaradaha magalada muqdisho oo ay gacanta ku hayeen Hogamiyashi xiligaasi mamuliyay lana magacbaxay ladagaalanka Argagixisada. Daawo Masawirada
Hooyo Cadar Maxamed Yuusuf intey inoo warameysay si weyn ayay ilimada uga Qubaneysay waxaay noo sheegtay in wiilkeeda uu dhaley shan caruur ah kuwaaso kala ah 3 gabdho ah iyo 2 wiil intii uu xiranaa caruurtiisa mid ka mid ahna ay geryoday hooyo Cadar maxamed inta ay wareysiga bixineysay waxaan dareemayney Aniga iyo wariyaashii ku booqday hoyga ay ka dagan tahay magaalada nairobi murugo iyo Tiiraanyo ay qabtey.
Waxayna aad uga warbixisay sida wiilkeeda uusan wax siyaasad ah oga qayb qaadan islamarkaana ahaa nin diintiisa jecel iyo dalkiisa una ushaqayn jiray caruurtiisa oo maanta meel cidlaa daadsan si gardaraana loo xiray oo in mudaa aan u haysanay in la dilay ayay tiri Maamo Cadar Maxamed Yuusuf. waxeyna ka codsatey cida heesta wilkeeda in ay soo cadeyaan sababaha ay wiilkeeda ku heestan iyo in cadaalada la horkeeno waxeyna ilaahey weydisaneysay in wiilkeeda uu gacanta cadowga haysto uu ka soo samata bixiyo
Hooyo Cadar Maxamed Yuusuf waa hooyo soomaaliyed oo ku sugan magaalada nairobi kana soo baxsatey dagaaladii ugu culusaa ee abad ka dhaca casimada soomaaliya kadib marki ay soo galeen ciidmada itoobiya waxeyna imika ku nooshahay magalada nairobi ee dalka kenya waxeyna kula Nooshahay Caruurta wiilkeeda xiran uu dhaley iyo Qaar ka mid ah caruurta ay iyada dhashey.
Maamo Cadar ayaa Baaq u jeedinayso Haayadaha bisha Cas iyo kuwa ICRC da iyo kuwa u dooda Xuquuqul insaanka in ay wiilkeeda ku soo sheegan wax lagu heesto iyo wixii ay ka qaban karaana Midaas oo ay ku micnaysay in hadalka iyo sawirada laga soo qaaday wiilkeeda in mudaa la eed ay ka heshay nin kamida Haayada ICRC oo ku booqday Xabsiga Guatanama Bay.
Ururkii la magac baxay Argagixisa la dirirka soomaaliya oo ay Madaxda u ahaayeen Hogaamiye kooxedyadii konfurta soomaaliya ka dagaalami jiray ayaa boqolaal dad ah u gacan galiyay maraykanka iyadoo qaarna la dilaya Qaarna ku xiran yihiin xabsiga wayn ee Guanatamabay.
Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha maraeykanka Brack obama ayaa xiligii uu doorashada uu ku jiray balanqaaday hadii uu ku guulaysto xilka madaxweynimo ee dalkaas uu albaaba ulaabi doono xabsiga wayn ee mareykanka Guanatanaama bay islamarkaan uu ka soo furi doono dhamaan dadka ku xirxiran ee islaamkaa midaas ayaa ah balan fashilantay oo ilaa imin aysan waxna ka soo ka Naaso cadaan balse ay aheed hadal uu iskaga sharaxyay muslimiinta buuxdhaafiayay xabsigaasi,
Canab Cabdi Axmed
Nairobi, Kenya





