
Shabakadda wararka ee Gedoweb waxaa u suurtagashay in ay wareysi dheer la yeelato guddoomiyaha gobolka Gedo Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Farey) oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Farey waxaa wax laga weydiiyey arrimo badan oo ku saabsan xaaladda gobolka iyo warar maalmahan soo baxayey oo sheegayey in beesha Sade bari ay ku biirtay maamulka Gal-Mudug oo sheegashooyinka ay ku waramayeen in Mr Farey laga soo xigtay.
Gudoomiye Xuseen Fareey waxaa uu Beryahaanba ku sugnaa magaalada Nairobi, isagoo <br />
dhawaan ka yimid magaalada Doolow ee gobolka Gedo. Waxaa beryahaanba socday warar sheegayo inuu Gudoomiya Fareey liyo waxgarade kale oo reer Sade ah ya a xaajoodeen mamulka Galmudug si beelaha wada dega deegaanka Galgaduud ay isaga kaashan lahaayeen arimo badan oo dhinaca iskaashiga ah, balse kulankaas ay warbaahinada qaarkood u badaleen in Beesha Sade Bari ay ku biirtay maamulka Galmudug
Waxaa wareysigaas inoo daadihinaya Tifaftiraha Shabakadda Gedoweb Maxamed Xaashi Tawakal oo ugu horeyn weydiiyey bal in uu sharaxaad ka bixiyo ammuurtan ku saabsan Sade Bari
Halkan ka dhageyso wareysiga guddoomiye Xuseen Farey